Thursday, August 8, 2013

Wafdi balaaran uu hor kacayo wasiirka gashandhiga dowlada Somaliya oo gaaray magalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan { Dawo Sawirada }




Wafdigaan balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka gaashaan dhiga xukuumada soomaalia Mudane cabdi xakiin xaaji maxamuud fiqi ayaa waxa safarkiisa ku wehlinaya abaan duulaha ciidamada dowlada Somalia General cabdirisaaq qaliif bexi.
Wasiirka ayaa waxa ku soo dhaweyay garoonka diyaradaha Ugaas khaliif ee magalada Baledweyne  maamulka gobolka iyo saraa kiisha ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Amisom Djibouti Ee Hiil-Walaal.

Wasiirka ayaa waxaa ow kulan laqatay Masuliyiinta maamulka gobolka hiiraan saraa kiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa ciidamada Jabuuti ee kusugan gobolka hiiraan  kulanka  oo ahaa mid ay al baabadu uxiran yihiin oo ay saxafada dibad jog ka aheeyd.

Markii ow soo dhamaday kulanka ayaa waxaa saxafada lahadlay wasiirka gashandhiga dowlada Soomaaliya cabdi xakiin xaaji maxamuud fiqi wasiirka ayaa ka war bixiyay ujeedada safarkiisa isagoo saxaafada u sheegay in maalinta jimcada oo ku beegan biri oow magalada baledweyne uu soo gaaridoono wasiirka gaashandhiga dalka jabuuti.

Waa markii 3aad ee uu soo gaaro wasiirka gashandhiga Soomaalia magaalada baledweyne walow safaradii hore ee wasiirka aysan waxba ka badalin howlahii gaashandhiga gobolka hiiraan  lamana oga safarkan maanta uu ku yimid wasiirka magalada Baledweyne  waxa ow kaga duwanaan doono booqashooyinkii uu horay ugu yimid Gobolka Hiiraan. 

Si kastaba ha ahaatee waxaa uu wafdigaani maanta ku soo aadayaa iyaddoo ay magaalada Baledweyne ee xarunta Gobollka Hiiraan ka jirto farxad iyo reyn reyn aad u weyn, maadaama ay tahay maalintii koowaad ee munaasabada ciidul fidriga oo si weyn loga dabaal dagyay maanta guud ahaan Gobolka Hiiraan qaasatan Magaalada Baledweyne.


DCIM100MEDIA
DCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIA

No comments:

Post a Comment