Wafti heer sare ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaan Dhiga dowlada aan walaalaha nahay ee Jabouti mudane Hassan Dharaar Hufane ayaa maanta soo gaaray magaalada Belet-weyne ee caasimada Gobolka Hiiraan wasiirka waxaa safarkiisa ku wehliyay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada milateriga Jabouti iyo safiirka Jabouti u fadhiyo Soomaaliya Mr. Dayib Dubbad Roble, wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaan Dhiga dowlada Soomaaliaya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Masuuliyiinta maamulka G/Hiiraan oo uu hor kacayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Colonel Abdi Farah Laqanyo, saraakiisha Milateriga Dowlada Soomaaliya ee Gobolka hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Guutada AMISOM ( Hiil-Walaal) ee Jabouti.
Friday, August 9, 2013
Magaalada Belet-weyne oo si aad ah loogu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaan Dhiga dowlada Jabouti (Daawo Sawirada)
Wafti heer sare ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaan Dhiga dowlada aan walaalaha nahay ee Jabouti mudane Hassan Dharaar Hufane ayaa maanta soo gaaray magaalada Belet-weyne ee caasimada Gobolka Hiiraan wasiirka waxaa safarkiisa ku wehliyay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada milateriga Jabouti iyo safiirka Jabouti u fadhiyo Soomaaliya Mr. Dayib Dubbad Roble, wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaan Dhiga dowlada Soomaaliaya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Masuuliyiinta maamulka G/Hiiraan oo uu hor kacayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Colonel Abdi Farah Laqanyo, saraakiisha Milateriga Dowlada Soomaaliya ee Gobolka hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Guutada AMISOM ( Hiil-Walaal) ee Jabouti.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment