Thursday, August 8, 2013

Munaasabada maalinta 1aad ee ciidul fitriga oo si mideysan looga dabaaldegay dhamaan Gobolada dalka iyo Caasimada Muqdisho (SAWIRRO)



Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka Somalia ayaa maanta si isku mid ah waxaa looga oogay munaasabada maalinta 1aad ee ciidul Fitriga ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd, taasoo dadka muslimiiinta ee caalamka ay soo guteen waajibaadka soonka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.


Dadweyne aad u fara badan ayaa saaka u dareeray Masaajida iyo goobo kale oo loo cayimay halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii ciidul fitriga iyagoo intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen munaasabada maalinta ciida.

Madaxda dowlada Somalia oo ay ka mid yihiin madaxweynaha, raisul wasaaraha gudoomiyaha Baarlamanka iyo xubno ka tirsan baarlamanka iyo xukuumada ayaa saaka kala qeyb galay boqolaal dadweyne ah tukashada salaada ciida oo ka dhacday masjidka isbaheysiga islaamka, iyadoo la xiray wadooyinka masaajidka soo gala.

Caruurta oo ay wehliyaan waalidiintood ayaa si gaar ah ugu dhex muuqatay dadka ayada oo la arkayay c
aruurta oo wadooyinka ordaya kuna lebisan dhar kala jaad jaad ah oo qurux badan, isla markaana ku ciyaaraya waxyaabo kala gedisan oo dhawaaqaya sida bastoolado, Firimbiyo iyo qalab kale oo loogu talo galay iney caruurtu ku ciyaarayaan, waxaana la arkayay dadka aad ugu muuqato faraxad munaasabada maalinta ciidul fitriga awgeed, iyadoo idaacadaha maxaliga ah ay sii deynayaan suugaan iyo barmaamijyo gaar ah oo loogu talo galay maalinta ciida.

Hase ahaatee xaalad murugo leh oo ka duwan xaaladaha aan kor ku soo xusnay ayaa waxa ay ka jirtaa xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ka soo hayaamay gobolada dalka.
Dadka xeryahaas ka jira kama muuqato intooda badan waxyaabo muujinaya dabaaldega munaasanada ciida, sababo la xiriira duruufaha ay ku jiraan oo aan u saamexeynin awgood, waxa kaliya ee ay ka fekeraana waa sidii ay u heli lahaayeen quutul daruurigooda ama wax ay ku noolaadaan.












No comments:

Post a Comment