Iyada oo mudo ka badan 22 sano oo dowlad la,aan ah aysan helin dayactir iyo daryeel ku filan buundayaasha iyo wadooyinka halbowlaha u ah isku xirka dadka iyo gaadiidka magaalada Belet-weyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta howl dib u dayactir ah laga bilaabay buundada buundo 2aad oo halboowla u ah isku socda gaadiidka iyo dadweynaha.
Ururka horumarinta dhalin yarada gobolka hiiraan ayaa si mutadawacnimo ah iskaga aruuriyay lacag jeebkooda ah ka dib markii ay ka damqadeen bur burka lixaadka leh ee ka muuqdo buundada oo dhibaato weyn ku hayay isku socda gaadiidka iyo dadka.
Gudoomiyaha Ururka horumarinta dhalinyarada Gobolka Hiiraan Mohamed Abdullahi Buraale (Raaxeye) oo kaa shanayo dhamaan xubnaha iyo howlwadeenada ururka horumarinta dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayeey u suurta gashay in aay bilaabaan mashruucaan kheyriga ah oo runtii ah mid ku dayasho mudan.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu ururka horumarinta dhalinyarada Gobolka Hiiraan uu qabto howl dan guud ah horay ayeey dayactir dib u dhisid ugu sameeyeen taaladii Daljirka dahsoon iyo jidka Hilokilyo oo uu bur bur xoogan ka soo gaaray dagaaladii iyo dowlad la,aantii uu dalku soo maray.
Allaha u naxariistee waxaa si weyn iskugu howli jiray howlaha dhisida iyo dayactirka wadooyinka iyo buundooyinka intii uu noolaa Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayada oo lagu xasuusto gacantii uu ku lahaa dayactirkii buundada tuulada Nuur fanax iyo meel badan oo ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Munaasabdii bilowga dayactirka buundada buundo 2aad ayaa waxaa ka soo qeebgalay Maamulka Gobolka Hiiraan heer gobal iyo heer degmaba ayaga oo aad u soo dhaweeyay waxqabad ka ururka horumarinta dhalinyarada Gobolka Hiiraan dhamaan bulshada reer hiiraan ayaa dhankooda aad u soo dhaweeyay howshaan lagu dayactirayo buundada buundo 2aad ee magaalada Belet-weyne.



No comments:
Post a Comment