Xaalada nabadgelyo ee caasimada dalka Somalia Muqdisho oo noqotay mid kasoo rayneyso ka dib sanado badan oo dagaal iyo fowdo ah dadku waxay dareemayaan hada nolol xasilooni iyo deganaansho. Nabada ka soo bidhaantay Muqdisho ayaa horumar iyo faaido dhanka ganacsiga ah u keentay dad badan oo dhibaato ku qabay dagaalada,qaraxyada iyo nidaam la’aantii ka jirtay Muqdisho.
Dadka reer muqdisho ayaa aad u soo dhaweeyay nabada ka jirto magaalada iyo xasiloonida ku soo noqoty caasimada taasina ay meesha ka saartay noloshii xumeyd ee ay sanado ka hor ku noolaayeen muqdisho hadda waxaa ku soo badanayo ganacsiga gaarka loo leeyahay ayada oo jidad badan oo ku bur buray dagaalada dib u dayactir joogto ah lagu sameynayo.
Maxamed Cabdi Khadar oo ka mid ah ganacsatada dharka ee Muqdisho
ayaa sheegay in ka ganacsigii iibinta marada Karfanta ay u bedeleen iibinta dharka lagu goglo miisaska baararka iyo makhaayadaha waaweyn ee hadda laga furayo caasimada maadaama ay yaraaty dhimashadii badneyd ee ka dhaci jirty magaalada Muqdisho.
Mogadishu at night (Muqdisho iyo Habeenka)
https://www.facebook.com/photo.php?v=10151362517943008&set=vb.122265977856700&type=2&theater
No comments:
Post a Comment